ISRAA’IIL OO DUQAYMO KA GEYSATAY LUBNAAN IYO FALASTIIN.

ISRAA’IIL OO DUQAYMO KA GEYSATAY LUBNAAN IYO FALASTIIN.

Ciidamada millatariga Israa’iil ayaa duqaymo xooggan ka geystay waddanka Lubnaan, duqaymahaasi oo ay fuliyeen diyaarado dagaal.

TV-ga Lubnaan, ayaa soo tebiyey weerarka Israa’iil iyo gantaallo ku dhacay gudaha Lubnaan, waxaana qaraxyo waaweyn laga maqlay meel u dhaw xero dad qaxooti ahi degganyihiin.

Israa’iil, ayaa cadaawad ballaarani kala dhaxaysaa dhaqdhaqaaqa islaamiga ah ee ka dhisan Lubnaan ee Xisbullaahi, kuwaasi oo ay taageerto dawladda Iiraan, horayna dagaallo u dhexmareen iyaga iyo Israa’iil, haddase Israa’iil waxay weerarkaas ku eedaysay Xamaasta Falastiin.

Horay Israa’iil ayaa u sheegtay in dhanka Lubnaan looga soo tuuray gantaallo xiriir ah kuwaasi oo gaaraya illaa 34 gantaal, kuna dhacay deegaanno ka mid ah waqooyiga Israa’iil.

Dhinaca kale, millatariga Yuhuuddu, wuxuu duqaymo is dabajoog ah ka geystay saacadihii la soo dhaafay Falastiin, gaar ahaanna magaalada QAZA taasoo waxyeello baaxadleh oo naf iyo maal ah geysatay.

Xiisaddaan dagaal ee cusub ee QAZA ayaa salka ku haysa kadib markii Yuhuuddu u diiday falastiiniyiinta in ay ku cibaadaystaan masaajidka barakaysan Al- Aqsa, diidmadaasi oo rabshado dhalisay.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com