KACDOONKA BULUUGGA EE #BLUEREVOLUTION OO GAARAY CEERIGAABO

KACDOONKA BULUUGGA EE #BLUEREVOLUTION OO GAARAY CEERIGAABO

CEERIGAABO SANAAG: Hal qof oo shacab ah oo ciidamadda maamulka Muuse Biixi Ku dileen Ceerigaabo xalay ayaan weli la aasin, sida Warbaahinta Daljir u sheegeen dad goobjogayaal ah. Sidoo kale Waxa jira dhaawac ka dhashay rasaas ay shacabka ku fureen ciidanka Muuse Biixi.

Rabshadahan ayaa waaxa sababay kaddib markii Ciidanka Somaliland ay sameecado heeso ammaanayo Somaliland geeyeen xaafadaha laga taageero SSC-KHAATUMO lagu soodhaweynayey 18ka May oo Somaliland sheegato in ay tahay maalinka ‘xorriyadooda,’ halka shacabka SSC-KHAATUMO ay 18ka May u tahay ‘maalinka nadaafadda iyo qashin arurinta.’

Hal ruux oo rbshadda xalay ku dhintay oo rag ah ayaan weli La aasin waxana maamulku ku cadaadinayaan reerka maydku ka dhashay in maydka la aaso. Hase ahaate qoyska ayaa diiday aas loo sameeyo wiilka ay dileen ciidanka Muuse Biixi illaa la keeno kan dilay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com