Madaxweynaha Awdal oo si caro leh ula hadlay shacabkiisa, una sheegay in ay ka dhiidhiyaan gumaystaha Somaliland

Madaxweynaha Awdal oo si caro leh ula hadlay shacabkiisa, una sheegay in ay ka dhiidhiyaan gumaystaha Somaliland

Madaxweynaha Awdal State ayaa markii labaad bishaan May la hadlay shacabkiisa, laakiin marakan ula hadlay si ka duwan sidii hore. Madaxweynaha ayaa dadkiisa xasuusiyey in maalinkii 14aad maydka walaalkood marxuum Taliye Khadar Xabeeb Caynaanshe uu weli Boorama yaal, asaga oo si ulakac uu u dilay askari kamid ah ciidanka Somaliland, una dhashay beesha dhexe.

“Waxaad sheegaysaan nabad, nabad baa caana macaan, nabad baa sidan ah. Nin gurigiisa fadhiya oo aan cidna wax u dhiman ayaa Hargeysa laga soo amray in la dilo. Taasi ma nabad baa? Ma nabad baad taas u aragtaan? Mise waxaad leedihiin fulaynimadaa caano macaan,” ayuu shacabkiisa si kulul u weydiiyey, oo haddana abbaaray dadka uu ugu yeeray ‘munaafaqiin’ la shaqeeya beesha Isaaq oo beesha Samaroon aan wax dan ah ka lahayn.

Madaxweynaha ayaa shacabkiisa u sheegay in dilku uu ku soconayo illaa ay ka dhiidhinayaan gumaystaha Somaliland, halgankana u rumoobaan, oo ay joojiyaan ‘dulqaad’ kusheega aan waxba u tarayn in dilku ku socdo mooyee.

Madaxweynaha ayaa shacabkiisa u sheegay in ay qoriga qaataan oo dagaalamaan, oo xabadda ridaan, kuna booriyey in ay halganka lacag u huraan, si ay xorriyad u helaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com