Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga oo iska casilay xilkii eedna u soojeediyey Hinda Culusoow

Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga oo iska casilay xilkii eedna u soojeediyey Hinda Culusoow

Danjire Salim Macow Xaaji, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya, oo iska casilay xilkii safiirnimo, eed kululna u soojeediyey Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Madaxa baratokoolka xafiiska Madaxweynaha, Hinda Culusoow.

Danjire Salim Macow ayaa Hinda Culusoow ku eedeeyey in ay ula dhaqantay si akhlaaq xumo ah, una geysatay aflagaado, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uu arrinkaas la socodsiiyeyna uu ka gaabsaday arrinka, waxna uusan ka qaban.

Danjiraha ayaa si kutalagal ah looga reebay shirkii Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay dalka uu safiirka ka yahay, asaga oo baratakool ahaan ah qofka ugu horreeya ee Madaxweynuhu ka talaqaadan lahaa arrimaha shirka Jiddah ee Jaamacadda Carabta.

Gabadha Madaxweynaha ayaa ka soo dhexmuuqatay shirka Jaamacadda Carabta ayada oo dhinac fadhida aabbaheed, meesha uu safiirku dhinac fadhin lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedaynayaa danbiyo qaran oo ay kamidyihiin musuqmaasuq aan loo meel dayin, ku takrifal hanti qaran, eex iyo qaraabakiil, asaga oo xafiisyada muhiimka ah ee dawladda badankooda ku taxay eheladiisa iyo qaraabadiisa.

Dagaalka Madaxweyne Xasan Sheekh kuma eka xafiisyada DFS oo kaliya e waxa uu dhawaan dawladda Puntland Madaxweynuhu ugu hanjabay in ay ku burburayso 24 maalmood haddii ay ku dhaqaaqdo doorashooyinka degmooyinka ee loo madlanyahay 25ka bishaan May.

Diiwaanka Wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com