Maxkamadda Hargeysa oo maalmo xabsi ku siihayn ah u jartay Wariye Bishaaro Baanday.

Maxkamadda Hargeysa oo maalmo xabsi ku siihayn ah u jartay Wariye Bishaaro Baanday.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa ayaa maanta sii xalaalaysay xabsi ku siihaynta Wariye Bishaaro Baanday muddo dhawr asbuuc ah ku xirnayd magaalada Hargeysa.

Saddex maalmood oo xabsi ku sii hayn ah ama rumaan ah ayay maanta maxkamaddu u jirtay wariyahaasi oo loo haysta tebinta warar xasaasiyadeeyey xukuumadda Somaliland, kuna saabsanaa hannaanka xukunka, xoog isku maquuninta iyo xaalka doorashooyinka Somaliland oo aysan weli caddayn wakhtiga iyo waayahooda qabasho.

Wariye Bishaaro Baanday, ayaa intii ay xirnayd iyo xilligeedii qabashadaba la kulantay hab-dhaqanno ka dhan ah xagga bani’aadanimada oo uu ku jiro jirdil iyo dayac goobtii lagu hayey ah sidaasna waxaa xaqiijiyey Qareenkeeda.
Somaliland ayaa horay sidaan oo kale wariyaal u xirtay sababo la xiriira xogo xaqiiqooyin ku dhisan oo ay xukuumadda ka baahiyeen, waana mid ay la qabaan maamullada kale ee dalka oo aan dhawrin xorriyadda hadalka.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com