RW Kuxigeenka oo daahfuray Barnaamijka Caddaalada & Asluubta

RW Kuxigeenka oo daahfuray Barnaamijka Caddaalada & Asluubta

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda #DanQaran.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tilmaamay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay inay helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo iyo garsoor madax bannaan ayaa sheegay in barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaalada ee dalka oo dhan.

Mudane Saalax ayaa uga mahad celiyay saaxiibbada caalamiga ah garab-istaaggooda ku aaddan in ay ka caawiyaan Hay’adaha Dawladda ka midha-dhalinta qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee helitaanka caddaalad la isku hallayn karo iyo garsoor madax bannaan oo dalka oo dhan la gaarsiiyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com