Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo sumcaddii lacageed ee dalka iyo in dadka danyarta ah loogu fududeeyo macaamilka nololeed iyo ganacsi ee ay u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Dhankooda, Guddiga Hagidda Mashruuca Kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Xaaladda Lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, hawlgalinta Xarumaha Bangiga Dhexe ee Dowlad Goboleedyada, iyo Qorshaha dhaw Dib u daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com