Warbixinta Maxamed Cali Bile iyo wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood

Warbixinta Maxamed Cali Bile iyo wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood

Inkasta oo weli magaalada Laascaanood ay ka muuqdaan raadadka dagaalkii kulalaa ee shalay, haddana degganaan ayaa maanta magaalada laga dareemayaa, waxaana furan qaar goobaha ganacsiga, qaarkoodna weli waa qufulanyihiin.

Maanta oo aan u baxay furimaha hore ee aagagga dagaalka waxaan soo arkay ciidamada difaaca SSC oo ku sugan dhammaan goobihii ay shalay la wareegeen, waxaana muuqda in ay meesha ka baxday amar hore u jiray muddooyinkii la soo dhaafayna lagu dhaqmi jiray oo awal saraakiishu ay ciidamada dib uga soo celin jireen goobaha difaaca mar walba oo ay aag cusub kala wareegaan Somaliland.

Waxaa kale oo xiiso leh, xusidna mudan, oo aad looga hadalhayey aagagga hore ee difaaca SSC iyo waliba magaalada Laascaanood gudaheeda dilka dagaalkii shalay lagu dilay sarkaalka Somaliland ee magaciisu yahay Kayse Cawil Jaamac, loona yaqaanay Kayse Buluq Baash, lana dhashay fannaanka Faarax Murtiile ee deggan dalka Ingiriiska. Kayse Buluq Baash ayaa biloowgii kacdoonka si ulakac ah magaalada Laascaanood dhexdeeda ugu diley Marxuun Maxamuud Cali Saadle Geenyo.

Dilka Marxuum Maxamuud Cali Saadle Geenyo ayaa markii danbe sabab u noqday bilowga dagaalkii hubeysnaa ee ka biloodway magaalada Laascaanood, loogana saaray ciidamada Somaliland.

Waxaa kale oo maanta la xaqiijiyey in todoba sarkaal oo Somaliland ay ku dhinteen dagaalkii shalay. Waxaa kale oo jira dhowr sarkaal oo ayana gargaar degdeg ah loogu qaaday magaalada Oog, loona sii gudbiyey dhinaca Burco.

Magaalada Laascaanood dhexdeeda waxaa maanta isu soo bax kooban ka sameeyey bannaanka Xarunta Guddiga Maamulka SSC dad cadho ka muujinaya dagaalka hadba joogsanaya iyaga oo Guddiga ugu baaqaay in ay aanay dagaalka joojin. Guddigu wax xog ah lama wadaagin shacabka isu soo baxay, markii danbena si nabad ah ku kala tagay.

Maxamed Cali Bile | Daljir Laascaanood | Jiidda hore ee dagaalka gobolka Sool

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com