Xildhibaannada Golaha wakiilada Dowlad Puntland oo Maanta kulan ay ku yeesheen magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland wax ka bedel ku sameeyeen dastuurka Puntland, kaas oo bilihii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa. iyadoona ay kulanka goobjoog ka ahaa 60 mudane
Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin.
Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ansax yahay waxka bedelka lagu sameeyay dastuurka Puntland, qodobada lagu daray Dastuurka Puntland ayaa waxaa kamid ah in Xisbiyada Puntland ay noqonayaan 9 Urur siyaasadeed oo ah kuwii galay doorashadii Golaha deegaanka.
sidoo kale baarlamaanka ayaa meel mariyay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay soo doortaan shacabka, waxaana meesha laga saaray qodob dastuuri ah oo sheegayay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay soo doortaan baarlamaanka.
COMMENTS