Wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood, gadood ciidamada Somaliland iyo rasaas dhaceysa

Wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood, gadood ciidamada Somaliland iyo rasaas dhaceysa

Dhammaan ganacsigii magaalada Laascaanood ayaa noqday mid istaagey saacado habeenimadii xalay markii shirkadda isgaadhsiinta Telesom uu ku yimi khalkhal dhinaca lacagta danabeysan (mobile money). Goobaha ugu daran ee ay saamaysay cilladu ayaa ahaa meelaha laga cunteeyo iyadoo mar kaliya ay wax waliba istaageen lacag-la’aan darteed.

Cillada oo bilaabantay fiidnimadii ayaa waxay gaadhey illaa 10kii habeenimo. Masuulka shirkada Telesom ee Gobolka Sool ayaa u sheegay Daljir in ay tahay cillad guud oo shirkadda ku timi. Cilladda oo ka bilaabatay Hargeysa ayaa loo aaneynayaa dagaalka sokeeye ee haatan ka socda Somaliland, siiba kan aagga Buuraha Gacan Libaax.

Guud ahaan gobolka Sool dadku 80% waxay isticmaalaan lacagaha danabeysan ee shirkadda Telesom, iyadoo shirkadda Golis ay haatan u muuqato mi saamaynteeda lacagahaas danabeysan ay aad u soo xoogeysaneyso, oo xaleydaan ay macaamiil badani ka soo wareegeen Telesom una wareegeen Golis. Telesom xarunteedu waa Hargeysa, meesha Golis xarunteedu tahay Bossaso.

Dagaalka sokeeye ee ka biloowday Somaliland ayaa saameyn horleh ku yeeshay saldhigyada Somaliland ee duleedka Laascaanood. “Waxaan dareenay gaadh la duldhigay ciidamada beeshayada oo awalba aan dareensanayn, waxaana isku daynay inaan iska dul qaadno,” sidaa waxa daljir u sheegay mid kamid ah saraakiisha ciidamada Somaliland ee Gole-yeedhay oo waqooyi kaga beegan Laascaanood. Sarkaalka ayaa waxa uu intaas ku daray in haatan wadahalo socdaan.

Rasaas xooggan ayaa xalay ka dhacday dhawr fadhiisin oo isla aaggaas ah, bal se weli ma hayno war sugan iyo waxa ay geysatey.

Dhanka Adhicadeeye wararka naga soo gaaraya ayaa ayana sheegaya in 12 gaadhi oo laba kamid ah ay ciidan saaranyihiin inta kalena ay yihiin kuwa dagaalka ay subaxii hore u dhaafeen dhinaca Burco, lamana caddayn karo meesha ay ku socdaan iyo kuwa ay yihiin, waxaase hubaal ah in khilaaf ba’ani ka dhex aloosanyahay ciidamada Somaliland ee agga Laascaanood. Khilaafka ugu ba’an ayaana u dhexeeya ciidamada beesha Garxajis ee hadda dagaalka ka bilaabay buuraha Gacan Libaax iyo beesha Habar Jeclo oo khatar weyn u aragta in Somaliland ay faarujiso fadhiisimada aagga Laascaanood.

Maxamed Cali Bile | Daljir Laascaanood

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com