Hoggaanka SSC-Khaatumo oo la doortay iyo hawlaha adag ee horyaal

Hoggaanka SSC-Khaatumo oo la doortay iyo hawlaha adag ee horyaal

Cabdulqaadir Axmed aw-Cali oo loo yaqaan Cabdulqaadir Firdhiye loona doortay hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo waxaa loo doortay dal burburay, waxaa loo doortay degaan ciidamo cadow daran ahi ay dul hoganayaan, dadkiisii badankiisna ay barakacayaal iyo qaxooti ku yihiin degaanno iyo dalal kale.

WAA KUMA FIRDHIYE?

Mudane Cabdulqaadir Axmed aw-Cali waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Taleex xagaagii sannadkii 1972. Taleex ayuu dugsiga quraanka ku galay. Isla magaalada Laascaanood ayuu dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sareba ku qaatay. Jaamacadda waxa uu ku qaatay culuunta Diinta Islaamka, Jaamaca Umma ee dalka Kenya, oo heerka koowaad iyo heerka labaad uu shahaadadeeda ka qaatay.

Md. Firdhiye waxaa masraxa siyaadda lagu arkay asaaskii ururkii SSC oo magaalada Nairobi ka ahaa xubnaha ugu firficoon, wixii intaas ka danbeeyey tubtay qaadaba maamulkii Khaatumo qayb ayuu ka ahaa.

TALLAABOOYINKA HORYAAL

Hoggaanka dooran ee SSC-Kaatumo waxaa horyaal laba arrimood oo aad u waaweyn. Waa tan koowaad e, dagaalka lagula jiro maamul gugii 30aad u dhammaaday oo maanta ciidamadiisu caasimada gobolka Sool ay xabbad la dul fadhiyaan, joogtana waxyeelo xooggan ku haya dad iyo duunyo wixii magaalada ku sugan ama ka ag dhaw.

Dagaalka Laascaanood oo markii hore ku biloowday kacdoon dhallinyaro hormuud u tahay, abaabulkeedana lahayd, waxa uu markii danbe isu badalay mid ummadeed oo naf iyo dhaqaaleba la dul dhigay, laakiin aan lahayn maamul iyo ilo dhaqaale toona, maanta se yeeshay maamul dadka degaanku doorteen.

Maamulkaas arrinka labaad ee horyaal waa kan dhinaca siyaasadda, ahna kan ugu muhiimsan ee loo doortay, iyada oo lixdii bilood ee la soo dhaafay ay madaxda dhaqanku ahaayeen kuwa loo dabafadhiyey maamulka dad iyo degaan, kana soo gudbiyey marxalado adag, guulo waaweyna ka keenay dagaalka ciidamada Somaliland looga saarayo gobolka Sool.

Dhanka Dawlada Federaalka Soomaaliya oo uu ka jiro cadaadis aad u xooggan, waxa ay degaanka keentay khilaaf laga dhex tuhmay odayaasha dhaqanka, welina mawqif la fahmi karo kama ay qaadan dhacdooyinkii foosha xumaa ee lala beegtay magaalada Laascaanood oo gebi ahaana dadkii ku noolaa ay ka barakeceen, xasuuq aan xad lahayna lala beegtay. Maamulka cusub ee SSC-Kaatumo ayaa dadka degaanku il gooni ah ku fiirin doonaan sida ay ka yeelaan xiriirka Villa Somalia.

Dhanka Puntland oo naf iyo maal aan waxba iyo dadkeedu la hadhin si SSC-Khaatumo isaga dulqaado heeryada Somaliland ayaa ayana ah hawl siyaasadeed oo maamulka cusub ka sugaya habkii looga heshiin lahaa mustaqbalka SSC-Khaatumo oo dastuur ahaan ah qayb kamid ah maamulka Puntland, laakiin isu diyaarisay in ay noqoto maamul ka madaxbannaan kan Puntland.

Hoggaanka Md. Firdhiye waxaa kuxigeen loogu doortay Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Dirir oo Maxamed Shiine loo yaqaan, kana soojeeda Buuhoodle. Maxamed Shiine waa dhakhtar cilmiga aragga iyo indhaha, muddo dheerna waxa uu hayey maamulka Isbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood.

 

Maxamed Shiine oo 27 cod ka helay 45ta xubnood ee golaha dhexe waxaana la tartamay Aadan Cabdillaahi aw-Xasan oo ah khabiir PhD beeraha ah, isla markaana ah ninka ugu da’da weyn golaha.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com