Dagaal culus oo saaka ka bilawday furimaha Laascaanood iyo Somaliland oo laga qabsaday goobo ciidan iyo gaadiid dagaal.

Dagaal culus oo saaka ka bilawday furimaha Laascaanood iyo Somaliland oo laga qabsaday goobo ciidan iyo gaadiid dagaal.

Dagaal xooggan ayaa waaberigii saaka ka bilawday jiidaha dagaal ee magaalada Laascaanood ee muddada ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC Khaatumo.

Ciidamada deegaanka ee SSC Khaatumo ayaa guula ka gaaray dagaalka saaka iyagoo la wareegay fariisimo ay degganaayeen ciidamada Somaliland, muddana ay dhufaysyo uga qodnaayeen, goobahaasi oo ay ka mid tahay halka looyaqaanno Maraaga.

Ciidamada deegaanka ee ee SSC khaatumo ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay Somaliland ka qabsadeen iyo goobo talis ciidan, waxaana gaadiidka Somaliland laga qabsaday ku jira Taangiyo, Beebayaal iyo gawaari kale oo dagaal oo ay ku rakibayaan qoryaha lidka diyaaradaha.

Inkasta oo uu weli socdo dagaalku, haddana illaa hadda waxaa la xaqiijinayaa khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo dagaalka ka dhashay, waxaana la tilmaamayaa dagaalka saaka bilawday in uu yahay mid ka mid dagaalladii ugu cuslaa ee gobolka ka dhaca tan iyo markii Somaliland ay ku soo duushay.

Somaliland ayaa asbuucii ugu dambeeyey wadday duqaymo aan kala joogisi lahayn oo ay la beegsanaysay magaalada Laascaanood siiba goobaha danta guud iyo kuwa dadka shacabka ahi degganyihiin.

Faahfaahin dheeraad kala socda wararkeenna dambe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com