Somaliland oo ku jabtay dagaalkii maanta, kuna wayday ciidankeedii iyo cududdeedii hub

Somaliland oo ku jabtay dagaalkii maanta, kuna wayday ciidankeedii iyo cududdeedii hub

Somaliland ayaa guuldarradii ugu weynayd abid kala kulantay dagaalkii maanta oo Jimce ah ay la gashay ciidamada deegaanka re SSC Khaatumo, kuwaasi muddo dheer iska caabinayey weeraradii isdabajoogga ahaa ee Somaliland ku haystay magaalada Laascaanood.

Dagaalka oo aroornimadii saaka ka bilawday dhawr jiho oo magaalada Laascaanood ah, Somaliland si dhab ah ayaa loogu awood sheegtay, loogana itaal roonaaday maanta, iyadoo dhammaan laga qabsaday saldhigyadii ay ku lahaayeen gobolka Sool oo uu ugu weynaa midka Goojacadde.

Ka sokow in ciidamada deegaanku ka saareen Somaliland gobolka Sool, haddana taas waxaa ka sii darnayd in tiradii ugu badnayd ee ciidamadeeda ah ay ku wayday dagaalka Somaliland, noqdeen wax rasaastu haleeshay oo geeriyooday, wax la qabtay, iyo wax si firxad ahaan u baxsaday.

Tiradii ugu badnayd oo maxaabiis ah ayaa Somaliland laga qabtay, waxaana ciidamada la qabtay ku jira saraakiil sarsare oo milatariga ah, uuna ka mid yahay sarkaalkii ugu sarreeyey ciidamada Somaliland ee gobolka, ahaana taliyaha guutada 12aad General Faysal Cabdi Bootaan.

Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali ‘Firdhiye’ ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan maxaabiis kor u dhaafaya 100, gaadiid dagaal oo iskugu jira noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaal, hub culus iyo midka fududba.

Ciidamada SSC Khaatumo ayaa hadda ku sugan tuulada Gumays, iyadoo hadda uu noqday difaaca ciidanka SSC meel waxyar ka shishaysa Guumays.

Jabka soo gaaray ciidamada Somaliland maanta ayaa ah mid ku cusub taariikhda dagaalada Soomaalida dhaxdeeda marka laga hadlayo caddadka rag, hub iyo gaadiid ee Somaliland hal maalin ay ku wayday.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com