Puntland oo xukun ku riday ragg ka tirsan Daacish

Puntland oo xukun ku riday ragg ka tirsan Daacish

Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka Sida ee Shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay 3 nin oo ka tirsan Daacish ku riday xukuno kala duwan.

Ragga lasoo qabtay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay falal amni darro ka wadeen qeybo kamid ah Puntland, kuwaasi oo Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland la horgeeyay, kadib markii ay qirteen dembiyada lagu helay

Maxkamada ciidamada Qalabka ayaa ku xukuntay,

1-Salman Faarax Mohamed 15 sano oo xarig ah,

2-Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay 5 sano,

3- Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah.

Fadhiga Maxkamaddeynta raggaan ka tirsan Daacish ayaa waxa goobjoog ahaa saraakiisha sar sare ee Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka Sida ee Shanta Gobol iyo dambiyada culus ee dowlad Goboleedka Puntland

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com