Maamulka Jubbaland oo sheegay in la fasaxay mashaariic xilligii dowladddii Farmaajo laga xayiray Gobolka Gedo

Maamulka Jubbaland oo sheegay in la fasaxay mashaariic xilligii dowladddii Farmaajo laga xayiray Gobolka Gedo

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo bilihii la soo dhaafay socdaal ku marayay degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Gobolkaas iyo mashaariic laga fuliyay.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in uu kulamo wadatashi ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan Bulshada, iyaga oo ka wada hadlay xalinta khilaafkii dheeraa ee mudada kajiray Gobolka Gedo.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay inay ku guuleysteen in dib loo fasaxo mashaariic ka xayirnaa Gobolka Gedo mudadii ay dalka ka arrimineysay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gobolka Gedo ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa kajiray khilaaf xaga Maamulka ah oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay Gobolkaas la wareegto wallow hadda Gacanta Gobolka Gedo uu dib ugu laabtay Maamulka Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com