QM oo Ergay Cusub u soo magacaawday Soomaaliya

QM oo Ergay Cusub u soo magacaawday Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Simbwabe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Mr. Zenenga waxa uu baddelayaa Anita Kiki Gbeho oo dhalashadeedu aheyd dalka Ghana, taas oo Xoghayaha Guud ee QM uu ugu mahadceliyay shaqada daacadnimada ahayd ee ay ka qabatay Soomaaliya.

Raisedon Zenenga hadda wuxuu ahaa Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Ergayga la soo magacaabay ayaa In ka badan 30 sano u soo shaqeeyay Xafiisyada Qamarada Midoobay, oo ay ka mid yihiin hawlgallada Qaramada Midoobay ee dalalka Laybeeriya), Liibiya, Ciraaq-Kuweyt, Sierra Leoneiyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com