Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Diiriye (Caafi) ayaa lagu dilay Magaalada Cape-town ee Dalka Koonfur Afrika.

Kooxo hubeysan oo burcad koonfur afrikaan ah ayaa toogtay xili uu watay gaari sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Maxamed Caafi ayaa asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Muqdisha gaar ahaan Degmada Kaaraan oo reerkiisu degan

Muwaadinka la dilay ayaa qorsheeynayay in dalka dib uu ugu soo laabto sida ay sheegeen ehelada Marxuumka la dilay .

Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay si ay baaritaan uga sameeyaan balse ma jirto cid loo soo xiray dilka Muwaadinkaas oo qeyb ka ah dilal boqolaal soomaali ah maalmihii la soo dhaafay loogu geystay dalka Koofur Afrika .

Hase .ahaatee , tirada Dadka soomaalida ah ee lagu dilayo dalka Koofur AFrika ayaa aad u korortay illaa hadda ma jirto Cid Maxkamad loo soo taagay .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com