Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay ku biirista Soomaliya ee EAC

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay ku biirista Soomaliya ee EAC

Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Soomaaliya ku biirto Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka nooqotay Ururkan sanadkii hore ka dib markii dowladda Soomaaliya daddaal badan ku bixisay. Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga faa”iidaysan doona fursadan,iyagoo badeecadahooda u heli doona suuqaq u iibgeeyaan.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed waxaana Haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Hindisaha waxaa soo gudbisay oo golaha horgeysay wasaaradda Maaliyadda XFS, wasaaradda ayaana golaha uga mahad celisay ansixinta xeerka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaan ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, Si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG,waxaana Haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com