Madaxweynaha Jubbaland oo kulan gaar ah la yeeshay golihiisa wasiiradda

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan gaar ah la yeeshay golihiisa wasiiradda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha wasiirada Jubaland.

Kulanka ayaa warbixin lagaga dhagaysanayay guddiga Kormeerka Wasaaraddaha Jubaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahii lasoo dhaafay qiimayn kusoo samaynayay Wasaaradaha iyo Wakaaladaha kala duwan ee Dowladda shaqooyinka ay hayaan iyo sida ay u fuliyaan adeegyada kala duwan ee bulshada loo hayo.

Dhinaca kale guddiga Taakuleynta iyo Dhismaha Kaabayaasha oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa si hordhac ah usoo bandhigay shaqooyinka ilaa hada uu guddigu ka qabtay dib u dhiska kaabayaasha kala duwan ee ku burburay fatahaadaha iyagoo sheegay in shaqooyin Waa weyn ay horyaalan kuwaas oo la xiriira dhismaah kaabayaasha kala duwan oo ay kamid yihiin buundooyinka iyo wadooyinka ku burburay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay inta badan deegaanada Jubaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com