Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta billaabaya ka doodista waxka bedelka Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta billaabaya ka doodista waxka bedelka Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay billaabayaan ka doodista waxka bedelka Dastuurka dalka oo ah soo jeedin ka timid Guddiga dib u eehista iyo la socodka Arrimaha Dastuurka.

Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannda u diray farriin lagu ogeeysiinayay in uu Maanta jiro kulanka labada Aqal, loona baahan yahay inay Xildhibaannada kasoo qeyb galaan, iyada oo ajandaha kulanka uu yahay.

Dib u eegista Dastuurka Marxaladda 2aad ee ka doodista Soo jeedimaha Wax- kabadalka Dastuurka Cutubka 1aad ee baaqa Jamhuuriyadda * Qodobka 1aad Ilaa 9aad

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Insiintii Todobaadkan waxaa ay ka hadleen waxka bedelka Dastuurka, iyada oo Xildhibaannada qaar ay sheegeen in waqtiga Xildhibaannada loo go’aamiyay inay ka doodaan Dastuurka uu yahay.

Tallaabada ay Xildhibaannada labada Aqal ku doonayaan inay ku ansixiyaan waxka bedelka Dastuurka dalka ayaa waxaa siweyn uga soo horjeeda Madaxdii hore ee dalka sida Shariif Sheekh Axmed, Farmaajo, Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com