MAXAY TAHAY FARRIINTA XASAN SHIIKH AY U DAARANTAHAY MAGACAABISTA JAMES SWAN LOO MAGACAABAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SOOMAALIYA?

MAXAY TAHAY FARRIINTA XASAN SHIIKH AY U DAARANTAHAY MAGACAABISTA JAMES SWAN LOO MAGACAABAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SOOMAALIYA?

James Swan waa markii saddexaad oo jagada Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya loo soo magacaabo. Waxa uu markii koowaad jagada soo qabtay sannadihii 2011 illaa 2013, waxaana waqtigaas Madaxweyne ahaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Shariif waxaa sannadkii 2012 badalay Madaxweyne Xasan Sheikh.

James Swan kahor Soomaaliya waxa uu sannadihii 2008-2011 ahaa Safiirka Dawladda Mareykanka u fadhiya Jabuuti. Sida aan kor ku xusneyna, Jabuuti kabacdi, isla sannadkii 2011 James Swan waxa uu cagta soo dhigay Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo RW Cabdiweli Cali Gaas waxa ay sannadkii 2012 Soomaaliya ka saareen dawladnimadii kumeelgaarka ahayd, waxaana xilkii Madaxweyne sannadkaas la wareegay Xasan Sheekh.

James Swan waxaa haddana markii labaad loo magacaabay Ergayga Gaarka, waxa uuna jagadaas hayey sannadihii 2019 illaa iyo 2022.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa markale madaxweyne loo doortay 15 May 2022, waxa uuna ka guulaystay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Aan haddaba dib-u-jaleecno doorkii James Swan ee sannadkii 2022 iyo loolankii adkaa ee doorashada oo Madaxweyne Farmaajo uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in dib-loo-doorto. Madaxweyne Farmaajo, sida uu hadda u rabo Madaxweyne Xasan Sheekh in uu meel-mariyo doorasho qof-iyo-cod ah oo ka dhacda gobolo kooban, ayuu asna isku dayey sidoo kale, kuna fashilmay.

Haddaba sannadkii 2022 maxaa laga xasuustaa oraahihii James Swan, maadaama loolanka ka taagan Soomaaliya uu maantana u muuqda isla kii sannadkii 2022 oo kale?

Sida uu maanta u rabo Madaxweyne Xasan Sheekh in uu tosho ‘Dastuur’ iyo ‘doorasho’ loo meelmariyo sida uu rabo oo kaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo sannadihii 2021-2022 u rabay in uu asna tosho doorasho maquunisa qof kasta oo la loolama, kuna salaysan rabitaankiisa oo kaliya.

Mucaaradka Farmaajo oo sannadkaas 2022 ay ugu tun weynaayeen Madaxweyne Deni iyo Xasan Sheekh ayaa ku goodiyey in haddii Farmaajo tiisa wato ay ayana qaban doonaan doorasho kale oo gaar ah. Laakiin taasi uma aysan cuntamin James Swan, waxa uuna Farmaajo iyo mucaaradkaba ugu jawaabay ooraahdii caanka noqotay ee “Ma dhici doonto doorasho qolaba meel ku qabsato, kuna dhacda hannaan isbarbaryaac ah, mana dhici doonto in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan ficillo hal dhinac ah oo aan loo wada dhammayn (There should be no partial elections, no parallel processes, and no unilateral actions by Somali leaders).”

James Swan oo markii saddexaad Soomaaliya dib loogu sooceliyey ayaa u muuqda mid jawaab u ah ficiladii uu Swan ka digay sannadkii 2022 oo haddana markale uu isla ficiladii Madaxweyne Xasan Sheekh si bareer ah uu miiska ugu garaacday, una rabo in uu u meelmarsado, kuwaas oo kala ah:

1. Dastuur aan loo dhammeyn oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu si gooni ah u soo qortay, ugu dooday, una meel-marsaday

2. Doorasho uu rabo in uu u meelmarsado sida uu rabo

3. Xiritaanka Xafiiska Ergayga Gaarka ee uu marna codsaday, marka ka cagajiiday

Madaxweyne Xasan Sheek waxaa horyaal waa horleh iyo wax uusan filayn iyo wuxuu ka warwareegaba Teendhadii Afisyoone oo markale hortaal.

Maadaama madaxda Soomaaliyeed ay u egyihiin kuwa aan waligood cashar ka baran kuwii ka horeeyey, aan haddaba fiiro gaar ah aan u yeelano warka ugu horreeya ee Ergay James Swan iyo jawaabta Madaxweyne Xasan Sheekh.

> Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com