Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Jamuuriyadda islaamiga ah ee Iiran

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Jamuuriyadda islaamiga ah ee Iiran

madaxda kala duwan ee caalamka ayaa si weyn uga naxay dhibka gaarey Iiraan,waxana iska soo dabo dhacaaya,tacsidda ay dirayaan madaxda muslimiinta,Warka geerida madaxdan ayaa ku faafey guud ahaan dunidda waana dhacdadda ugu weyn ee maanta Af-ka ku hayso warbaahinta ,golaha sare ee Islaamiga ah ee Iiraan ayaa hore ka magacaabey madaxweyne ku meeel gaadhha

“Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran”.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 ka mid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimillada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah ee gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Azerbaijan,Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Madaxweyne Ibraahim Raisi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com