WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO LAGU EEDEEYNAYO INUU BAALMAREY SHURUUCDA MAAMULKA MIISAANIYADDA

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO LAGU EEDEEYNAYO INUU BAALMAREY SHURUUCDA MAAMULKA MIISAANIYADDA

Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib ayaa warqad aad u kulul oo toddoba bog ah wadatana lifaaqyo dheeraad ah oo caddeyn ah waxa uu ka qoray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige. Xildhibaan Abiib waxa uu Wasiir Cige ku eedeeynayaa maamul xumo, musuq-maasuq iyo ku-xad-gudub shuruucda iyo xeerarka Wasaaradda asaga oo sheegay in Wasiir Cige uu 28 Diseenbar 2023 qoray habraac uu tixraaciisu yahay lambar MOF/OM/0246/2023. Habraaca ayaa khuseeya maamulka iyo maareynta khidmadaha ay qaado Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, asaga oo Wasiir Cige uu amray in aan dakhliga lagu Shubin Khasnadda Hal Akoon ee Dawladda Soomaaliya uga furan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya loona yaqaan TREASURY SINGLE ACCOUNT, oo lacagtaas ay Hay’adda Socdaalku gooni u maamulan karto.

Xildhibaan Abiib oo tixraacaya awaamiirta iyo habraaca Wasiir Cige soo saaray ee uu Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ugu fasaxay maamulka dakhliga hay’adda ayaa qoraalkiisa ku sheegay in “Wasiirka Maaliyaddu uusan warqadda ogaysiin Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha midkoodna.”

Haddaba waa kuma Wasiir Biixi Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya?

Wasiir Biixi Cige wuxuu soo noqday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha 2dii bishii Agoosto 2022. Siddeed bilood isaga oo jooga Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa bishii April 2023 waxa uu Hanti Dhowraha Guud dambi ku soo oogay shaqaalaha Wasaaradda Shaqada, kuwa Maaliyadda, Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Bangiga Dhexe ayaga oo lagu eedeeyey in ay iska kaashadeen musuqmaasuq gaadhaya $21 million oo doolar.

Dacwad iyo saddex bilood kabacdi, Wasiir Biixi Cige waa la dallacsiiyey waxaana Bishii July 2023 loo magaacabay Wasiirka Maaliyada.

Su’aalo kale oo muhiim ah oo Daljir dabagashay ayaa ah maxaa keenay in Wasiir Cige uu 28kii Diseenbar 2023 baddalo habraaca Hay’adda Socdaalka oo uusan hore u baddalin isla bishii July markii loo magacaabay jagada Wasiirka Maaliyadda?

Jawaabtu waa mid lugta la gelaysa “deyn cafinta Soomaaliya” iyo musuqa loo marey in deynta Soomaaliya la cafiyo.

Soomaaliyaa deynta waxa laga cafiyey 13 December 2023, waana midda ku khasabtay Wasiirka in uu warqadda hakiyo, si loo fududeeyo dalabaadka deyn cafinta. Sidaas darteed Wasiirku waxa uu sugayey inta deyn cafinta laga dhameynayo, si aan fadeexad uga imaan musuqa la maleegayey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Banaadir oo arrinka la socoday waxa uu u yeedhay Wasiir Cige kuna amray inuu maxkamadda horyimaado si ammurahaas isdabayaal su’aalo looga waydiiyo. Wasiir Cige oo ka walwelsan hawlaha maxkamadda ayaa arrinka waxaa soo dhexgalay Madaxweyne Xasan Sheekh, halkaasna waxaa ku joogsaday hawlihii maxkamadda iyo kuwii baaritaanka iyo dabagalka Hanti-Dhowrka Guud.

Haddaba aan u soo laabano musuqa Wasiirka Maaliyadda iyo warqadda Xildhibaan Abiib.
Xildhibaan Abiib oo si toos ah ula hadlaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamza Cabdibarre ayaa asaga oo qoraalkiisa sii wata ku yiri, “Mudane Madaxweyne iyo Raysul Wasaare, waxaan si degdeg ah u codsanayaa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo tallaabooyinkii u dambeeyey ee uu qaaday Wasiirka Maaliyadda, kaasoo u muuqda mid si toos ah uga horimaanaya shuruucdii maamulka miisaaniyadda ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tallaabooyinkani kaliya ma wiiqayaan qaab-dhismeedka sharci ee Wasaaradda si loo xaqiijiyo daacadnimada maaliyadeed iyo isla xisaabtan dhab ah, balse waxay sidoo kale dhigayaan tusaale khatar ah oo keenaya ku takrifal hantida dadweynaha.”

Xildhibaan Abiib oo abbaaraya dulucda warqaddiisa ayaa ku tilmaamay dhaqaale leexsiga Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya in uu yahay mid ka horimaanaya sharciga iyo shuruucda u degsan Wasaaradda.

Xildhibaan Abiib ayaa qoraalkiisu ku yiri, “Xeerarka uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda waa sharcidarro maadaama ay ka horimaanayaan sharciga qoondada sannadka 2023. Sida uu qabo sharciga, dhammaan dakhliga la ururiyo waa in lagu shubaa Khasnadda Hal Akoon ee TREASURY SINGLE ACOUNT ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya 24 saac gudahooda marka dakhliga la soo uruuriyo. Wixii intaas ka baxsan waa mid u baahan ogolaansho Baarlamaan.

Awaamiirta iyo habraacyada Wasiirku bixiyey waa kuwo baalmarsan hab-maamuuska maaliyadeed ee muhiimka ah, isaga oo oogolaaday in lacagaha hay’adda la isticmaali karo kahor inta aan si sax ah loo xisaabin oo loo qoondayn. Lacagaha aan la fasixin ee la iska leexsanayo waa kuwo wiiqaya daah-furnaanta iyo hannaanka isla-xisaabtanka ee loo dejiyay si loo ilaaliyo hantida dadweynaha.”

Intaas kaliya ma aha ee Xildhibaan Abiib waxa uu soo saaray cadaymo muujinaya caddadka lacagaha la leexsaday isaga oo tilmaamay in sannadkii 2022 ka bilaabanaya Janaayo kuna dhammaanaya Diseembar 2022 khidmadda iyo dakhliga ay Hay’adda Socdaalku soo ururisay uu ahaa $15 milyan dollarka Mareykanka meesha sannad kaddib sannadkii 2023 uu noqday 8 milyan 500 oo kun oo doolar; taasina waxa ay muujinaysaa in la lunsaday lacag qiyas ahaan dhan 6 milyan iyo 500 oo kun oo doolar oo aan ku soo dhicin khasnadda dawladda.

Dakhliga isdhimay ee saas u ballaaran waa mid muujinaya khasaaraha baaxadda weyn ee lala beegsanayo hantida dadweynaha ayuu Xildhibaan Abiib ku sheegay qoraalkiisa. Lacagahaas sida fooshaxun loo maamushay waxay saamayn daran ku yeelanayaan xasilloonida dhaqaale ee dalka iyo rajada horumarineed ee la filayey, ayuu xildhibaan Abiib ku sii daray warqadda uu u diray madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo u soojeestay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa weydiiyey waxa ay kala socdaan tallaabooyinkan sharcidarrada ah ee Wasiirka Maaliyadda.

Xildhibaan Abiib ayaa labada masuul ee dalka ugu sarreeya u sheegay, Haddii aydan fasaxin tallaabooyinkaan hagardaamada wata ee Wasiirka Maaliyadda, ahna kuwo dhiirrigalinaya musuqmaasuq baahsan oo dalka hanaqaada, wiiqayana kobaca dhaqaale ee dalkeenna, waxaan aniga iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed si degdeg ah idiin kugu baaqaynaa in aad si degdeg ah u qaaddaan tallaabooyinka soo socda si loo sooceliyo kalsoonidii deeq bixiyayaasha iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Xildhiibaan Abiib ayaa soojeediyey in Wasiir Cige si degdeg ah loo soo qabto oo sharciga lala tiigsado, xilkana laga qaado, deedna lagu soo oogo dambiyada maaliyadeed ee uu galay intii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Xildhibaan Abiib ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Mudanayaal, waxaan idinka codsanayaa in aad mudnaanta koowaad siisaan baaristaan, isla markaana aad qaadaan tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo in la ilaaliyo shuruucda maaliyadeed ee dalka, cid kasta oo jebineysa sharciga lala tiigsado.

Diwaanka wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com