Kulanka Gudigaa joogtada ah ee Golaha shacabka oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo

Kulanka Gudigaa joogtada ah ee Golaha shacabka oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ku qabsoomay Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxa uu ajeedkiisu ahaa diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Ugu horreyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday qaabka xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), shuruudaha qofka baarlamaankaas ka mid noqonaya looga baahan yahay, wadamada ururkaas ka mid ah wadan walba waxa looga baahan yahay iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo inuu bixiyo iyo sidoo kale dhammaan shuruudaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ansixiyay in la dardar geliyo shuruucdii hore ee qabyada aheyd iyaga oo dhan kale ajandeeyay dhamaan hindise sharciyeedyada cusub ee ay xukuumadda soo gudbisay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com