Madaxweyne Xasan sheekh oo Safar ugu Amba baxay dalka Norway

Madaxweyne Xasan sheekh oo Safar ugu Amba baxay dalka Norway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Oslo, waxa uu wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sanadlaha ah ee Oslo Forum 2024.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in Magaalada Oslo, ee Caasimadda dalka Norway kulan uu kula qaadan doono Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com