Madaxweyne Qoorqoor iyo masuuliyiin isla maamulkiisa ah oo maanta tagaya deegaanka Laandheer ee lagu dagaallamay.

Madaxweyne Qoorqoor iyo masuuliyiin isla maamulkiisa ah oo maanta tagaya deegaanka Laandheer ee lagu dagaallamay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kormeer nabadraadineed ku tagaya deegaanka Laandheer oo ka tiraan degmada cWaaaq ee gibolka Galgaduud.

Safarka madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa daarran sidii loo dhammaystiri lahaa qorshe nabadayn ah oo la doonayo in lagu soo dabbaalo deegaankaasi iyo dadyawga oodwadaagta ah, halkaasi oo maalmo ka hor uu dhacay dagaal lagu riixday oo ay dhinteen dad ka badan 60 ruux, tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaan oo u dhaxeeyey mellayshiyaad beeleeddo ka soo jeeda Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa salka ku haya kala shexeexaysi xagga daaqa iyo deegaanka, mana ahan markii ugu horraysay oo halkaasi dagaal ka dhaco, waxaana horay sidaasi oo kale ugu dhintay dad ku dhaw labaataneeyo ruux.

Madaxweyne Qoorqoor iyo waftiga uu hoggaaminayo ee halkaasi ku wajahan ayaa qorshaynaya in xal waaro laga gaaro colaadda soo laalaabtay, inkasta oo ay muddo badan u baahantahay maaro-u-helka mushkiladdaasi.

Horay arrinka colaaddaasi waxaa uga hawlgalay guddi heer xukuumadeed oo Galmudug ah, kuwaasi oo uu magacaabay madaxweyne Qoorqoor habeenkii ka dambeeyey maalintii uu dhacay dagaalku uu dhacay.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com