Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan sanadeed uga qayb galay gobolka shabeelada Dhexe

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan sanadeed uga qayb galay gobolka shabeelada Dhexe

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa deegaanka Ceeloow ee degmada Warsheekh kaga qeyb galay kulan-sanadeed uu halkaasi ku qabtay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

Kulanka ayaa waxaa ka qey bgalay Xildhibaano heer federaal, Xubno Isugu jira labada gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Duubabka dhaqanka, qeybaha bulshada iyo Mas’uuliyiin kale.

Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa oo si diirran loogu soo dhoweeyay deegaanka Ceeloow ayaa mid mid u salaamay mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka ka qeyb galay kulan sanadeedka oo sanad walba bishaan oo kale ka qabsooma deegaankaan, iyadoo ay ku duceystaan bulshada halkaasi ku dhaqan iyo siyaasiyiintooda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay dhowraan midnimada iyo wadajirka bulshada sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaannadooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com