Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Soomaaliya, oo la kulmay Agaasimaha fulinta ee hay’adda aan dowliga ahayn ee HIDA,

Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Soomaaliya, oo la kulmay Agaasimaha fulinta ee hay’adda aan dowliga ahayn ee HIDA,

Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum Mahmoud Ahmed (Bidix) iyo Agaasimaha Fulinta Hay’adda wadaniga ee aan dowliga ahayn ee HIDA Mr. Mohamud Ali Nur (Midig) ayaa kulan ku yeeshay Xafiiska WFP ee Magaalada Boosaaso Taariikhdu Markey Ahayd 20 October 2021. Mr. El-Khidir Daloum oo ah Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya, oo u dhashay dalka Suudaan, wuxuu la wareegay xilka WFP Soomaaliya bishii Sebtembar 2021. Ka hor inta aan loo magacaabin Soomaaliya, wuxuu ahaa wakiilka iyo agaasimaha guud ee WFP Uganda November 2016.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahaa sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa WFP iyo HIDA iyadoo laga wada hadlay mashaariicda Binu-adamnimo ee hadda socoto iyo sidii loo sahamin lahaa fursadaha wada-shaqayneed ee dheeraadka ah. Ujeedada ugu muhiimsan waxay ahayd in la sii wado bixinta kaalmada binu-adamnimo oo muhiimka u ah bulshooyinka nugul ee Soomaaliya gaar ahaan Bulshooyinka Banderbayla iyo Iskushuban ku dhaqan, iyada oo la adeegsanayo awoodaha labada hay’ad si ay u sameeyaan saameyn macno leh.

HIDA waxa ay xudun u ahayd hay’adda WFP sanado badan isla markaasna hormuud ka ahayd dadaallada bini’aadantinimo ee loogu talagalay in lagu badbaadiyo nolosha ka dib markii ay dhaceen dhibaatooyin halis ah oo ay ka mid yihiin abaaro, fatahaado iyo ayax ku habsadey dhul-beereed iyadoo la gaarsiinayo gargaar dadka ay dhibaatadu saameysey ee ku nool goobaha Banderbayla iyo Iskushuban ee Gobolka Bari Somaliya.
Ugu dambayntii, Mr. Mohamud Ali Nur ayaa la wadaagay Mr. El-Khidir Daloum sida ay u daran tahay abaarta saamaysay Degmooyinka ay ka shaqeeyaan ee Banderbayla iyo Iskushuban Gobolka Bari Soomaaliya Sanadkaan 2021 iyo sida ay deeqaha Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) u taageerto dadka ay saamaysay abaarta.

Si kastaba, waxaad mooddaa in doodii dhex martay Mr. Mohamud Ali Nur iyo Mr. El-Khidir Daloum ay dhaaftay oo kaliya in la wadaago xogta abaaraha iyo deeqaha WFP. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo dadaallada lagu taageerayo dadka ay abartu saameysey ee u baahan gargaarka baahan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com