XILDHIBAAN CABDILLAAHI HAASHI ABIB OO SAFARKIISII MAANTA EE XAMAR BAAJIYEY HANJABAADO UGA YIMID DAWLADDA DARTOOD

XILDHIBAAN CABDILLAAHI HAASHI ABIB OO SAFARKIISII MAANTA EE XAMAR BAAJIYEY HANJABAADO UGA YIMID DAWLADDA DARTOOD

Ayada oo indhawaalaba Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib uu si joogto ah u soo bandhigayey musuqmaasuqa daran ee hareereeyey Villa Somalia iyo dhammaan hay’adaha dawladda Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxa isa soo taraya hanjabaadaha ka dhanka ah nolosha Xildhibaan Abiib.

Sida uu saaka soo bandhigay Xildhibaan Abiib oo maanta u safri lahaa magaalada Xamar si uu uga qaybgalo furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa si lama filaan ah u baajiyey safarkiisii.

Xildhibaan Abiib oo qoraal kooban u diray xildhibaanada (arag hoos) ayaa qoraalkiisa ku sheegay in “saacad kahor aan la kulmey khubarada amnigayga qaabilsan ayna igula taliyeen in aan dib u dhigo socdaalkayga Mogadishu ee aan uga qaybgali lahaa kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka arrimo ku saabsan iyo xog amnigeyga.”

Xildhibaanka ayaa si toos ah dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh ugu eedeeyey in ay isugu dartay cagojugleyn, handadaad iyo hanjabaado.

Warqad kale oo dheer oo afka Ingiriiska ku qoran ayuu Xildhibaan Abiib u diray Madaxweyne Xasan Sheekh. Warqadda ayuu xildhibaanku ugu sheegay Madaxweyne Xasan in noloshiisu ay khatar weyn ku sugantahay, sababna ay dawladdiisu u tahay hanjabaadaha iyo handadaadaha ka dhanka ah nolasha xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay in kalfadhigaan ay u qorsheysantahay in uu saddex mooshin miiska soo saaro. Saddexda mooshin ee Xildhibaan Abiib abaabulayo ayaa kala ah sida hoose:

  1. Mooshin lagu badbaadinayo dadka barakacayaasha ah ee deegaankii ay u soo barakeceen colaad, dagaal, abaar iyo fatahaado dartood laga sii barakicinayo si dhulkaas looga iibiyo ganacsato xiriir la leh Villa Somalia
  2. Mooshin lagu amrayo in dhammaan hay’adaha caalamka ay xarumahooda u soo raraan Muqdisho ama ruqsadaha lagala laabanayo
  3. Mooshin mushaarka loogu siyaadinayo ciidamada ammaanka Soomaaliyeed si ay ugu dhiiradaan shaqada ammaan ee loo igmaday

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyey Xafiiska Madaxweynaha, kan Raysal Wasaaraha iyo kan Guddoomiyaha Barlamanka, Wasiirka Ammaanka, Madaxa Booliska iyo kan hay’adda sirdoonka NISA in aysan haba yaraatee wax dan ah ka lahayn ammaankiisa, sidaas darteedna xubno ganacsato ah iyo siyaasiyiin kale oo ka agdhow xafiisyadaas iyo kuwa uu musuqooda bannaanka soo dhigay ay si bareer ah u bilaabeen hadadaad, hanjabaado iyo cagojugleyn.

Xildhibaanka ayaa soo bandhigay farriimo qoraaleedyo loogu hanjabayo in la sumeynayo ama uu si kale naftiisa ku waayayo haddii uu cag soo dhigo Xamar.

Warqadda uu xildhibaanku u qoray xildhibaanada kale ayaa sida hoose u qorneyd:

Asc Dhamaan Xildhibaanada Sharafta leh,

Waxaan aad iyo aad ugu xumahay in aan baajo socdaalkii aan maanta uga soo dhoofi lahaa Washington DC oo aan u soo gaadhi lahaa berri aroorta Magaalo Madaxdeena Mogadishu kaddib markaan saacad kahor aan la kulmey khubarada amnigayga qaabilsan ayna igula taliyeen in aan dib u dhigo socdaalkayga Mogadishu ee aan uga qaybgali lahaa kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka arrimo ku saabsan iyo xog amnigeyga.

Waxaan go’aansaday anigoo aad iyo aad uga xun inaan dib-u-dhigo safarkaygii. Waxaa se nasiibdarro ah in maanta xildhibaankii xasaanada haysta dawladu ay ugu cagojugleenayso oo ay taasi ugu dartey handaadad joogto ah.

Marka aad iyo aad baan uga xumahay in xildhibaan ka fikirkiisa dhiibta loo hanjabo oo ayna dawladdu iska indhotirayso in aan cidna sharciga ka sarreyn.

Illaa Madaxweyne Dr. Hasan Sheikh Mohamud, RW Hamze Cabdi Bare iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Adan Maxamed Nuur ay ballanqaadaan inay amnigeyga sugayaan inta uu Golaha Shacabka furanyahay suurtogal ii noqon mayso inaan ka soo qaybgalo Golahan.

Waxaan ballan idin qaadayaa in aanan joojin doonin la xisaabtanka dhabta ee aan Dawlada ku baadhayo waxqabadkeeda.

Dhammaan xildhibaanada sharafta leh waad ku mahadsantihiin sida aad ii garabjoogtaan oo aad mar walba ii taageertaan.

Guul iyo khayr badan baan idin rajeynayaa inta aan ka imanayo, Insha Allah

Mahadsanid

Xildhibaan Dr. Abdullahi Hashi Abib | MP – Gobolka Awdal iyo Degmada Gebiley

Wararka Xildhibaan Abiib kala soco Daljir Media.

Daljir Media | Shaqaalaha Xamar iyo Garoowe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com