MADAXEWEYNIHII HORE EE MAREYKANKA DONALD TRUMP OO KA BADBAADAY ISKUDAY DIL

MADAXEWEYNIHII HORE EE MAREYKANKA DONALD TRUMP OO KA BADBAADAY ISKUDAY DIL

Donald Trump oo la qiyaasayo in uu mar kale kuu soo noqonayo Aqalka Cad (White House) ayaa galabta waqtiga USA ka badbaaday iskuday dil.

Illaa shan xabbo oo lala beegtay Trump ayaa midi dhegta midig xuubka ka qaaday kaddib markii uu madaxa yara dhinac u dhaqaajiyey.

Xabadaha ayaa haleeley shacabkii u soo baxay Trump, waxaana dhintay hal qof, meesha labo kale xaaladooda laga dayrinayo.

Waxaa jira xuuraan badan oo caawa ka socda dalka Mareykanka, kaas oo eedo weyn lala beeganayo waxa ay ugu yeeraan “deep state”, laguna eedaynayo in ay ka danbeeyeen iskudayga dilka Donald Trump. Ciidanka ilaalada Trump ee loo yaqaan “Secret Service” ayaa isla markiiba toogtay oo dilay ninkii iskudayey dilka Trump.

Trump oo hore maamulka Madaxweyne Biden uga dalbaday in loo siyaadiyo ilaalada ayaa tiro saddex jeer ah la sheegay in laga diiday.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee xaalka dalka Mareykanka.

Diiwaanka wararka Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com