Madaxweyne Biden oo laga helay COVID19

Madaxweyne Biden oo laga helay COVID19

Madaxweyne Joe Biden ayaa laga helay COVID-19 mar uu Arbacadii u safrayay magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalkan Maraykanka, waxaana madaxweynaha lagu arkay calaamado khafiif ah, sida xanuun guud oo ka mida astaamaha caabuqa COVID19, sida laga soo xigtay aqalka cad ee dalkan Maraykanka.

Xoghayaha warfaafinta Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in Biden uu u duuli doono gurigiisa oo ku yaala gobolka Delaware, halkaas oo uu ku geli doono “go’doomin doono” illaa uu xanuunka ka bogsanayo.

Dr. Kevin O’Connor, dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha, ayaa qoraal ku sheegay in madaxweyne Biden lagu arkay calaamado dhinaca neef-mareenka sare ah, iyo qufac qalalan. Waxana isla markiiba madaxweynaha loo qoray daawooyin kala duwan, sida uu sheegay dhakhtarkiisu.

Madaxweyne Biden ayaa la filayey inuu khudbad ka jeediyo magaalada Las Vegas, taasoo qayb ka ah ololihiisa doorashada, balse markii xanuunka laga helay ayuu ka baaqday xafladaas, isaga oo u duulay gurigiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com