Falastiiniyiin lagu dilay duqeymo ka dhacay Qaza

Falastiiniyiin lagu dilay duqeymo ka dhacay Qaza

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo iyo madaafiicda taangiyda oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen qeybo ka mid ah bartamaha Marinka Qaza.

Tani ayaa ka dambeysay kaddib marki ay taangiyada Isra’il ay dib ugu laabteen degmada Khan Younis iyo hareeraheeda, iyadoo ay ciidanka Isra’il mar kale ku mareen dadka deegaanka in ay si deg deg ah uga baxaan.

Meelaha ugu badan ee ay dadka ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah degmada Bani Suhaila iyo deegaannada kale ee bariga Khan Younis, halkaas oo qoysas badan oo barakacayay ay haleeleen madaafiicda taangiyda.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dadka la dilay ay ku jireen dumar iyo carruur, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 200 oo qof Isniintii.

Tirada dadka ay ciidamada Isra’il ku dileen Marinka Gaza tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qadday Gaza bishii October ayaa dhaaftay Isniintii, 39,000 oo Falastiiniyiin ah, halka dhaawacu uu marayo 89,800, sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Gaza.

Isra’il ayaa weerartay Gaza, kaddib weerarki ay 7-badi October Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, halkaas oo la sheegay in lagu dilay ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, qaar kalana lasoo afduubay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com