MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH & MUSUQMAASUQIISII MEEL KASTA GAARAY – Q7aad

MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH & MUSUQMAASUQIISII MEEL KASTA GAARAY – Q7aad

Villa Somalia oo waayahaan ay hareereeyeen musuqmaasuq aan xad lahayn baa waxaa hadda soo shaacbaxaya been-abuur qaar Golaha Wasiirada, waliba kuwooda ugu miisaan culus, ayaga oo lagu eedaynayo in ay ka been-abuureen shahaadooyinkooda iyo heerkooda warbarasho. Wasiirada iyo xafiisyada lagu helay ka been-abuurka heerkooda waxbarasho waxaa ugu horreeya Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Wasiirka Maaliyada, iyo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, waxaana liiskaan ugu danbeeya Wasiirka Qorsheynta oo aan hore uga muuqan jirin musuqa baahay ee ka dhexjira Golaha Wasiirada Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sida aan ku shaacinay baaritaanadii hore ee Radio Daljir, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa dhawaanahaanba saddexdaba ku shidnaa tooshka Xildhibaan Abiib. Laakiin hadda waxaa liiska ku soo biiray Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo asagana haatan lagu eedaynayo in shahaadooyinka iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu sheeganayo aysan waxba ka jirin.

Hoos ka daawo:

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com