Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.
Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee la dagaalanka Al-Shabaab.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo dowladda u tababara Ciidamo farabadan , sidoo kalena mararka qaar duqeymo la beegsada saldhigyada iyo Xarumaha Al-Shabaab.
COMMENTS