Wasiirka Amniga Dawlada goboleedka Koofur Galbeed ayaa digniin y diray Maleeshiyo beeleed dhac u geysta Gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka Buur hakaba ee gobolka bay & Degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose
Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa Codsi u diray Dawlada Federaalka Soomaaliya kaas oo ah in ay dib u celiso maleeshiyaad uu sheegay in ay ku sugan yihiin Wadada laamiga ee u dhexeysa Wanlaweyn & degmada Buurhakaba waxana uu ka dalbaday Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida in ay si deg deg ah uga Hawl bilowdo degmada Wanlaweyn si loo Maxkamadeeyo maleeshiyaadka uu ku Eedeeyay in ay dhacaan dadka musaafarka ah ee la socda Gaadiidka isaga kala goosha degaanada Koofur galbeed .
Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa ka hadlay Gaadiid badan oo ku xayiran degmada Wanlaweyn kuwaas oo kacabanaya isbaarooyin lacago badan looga qaado waxana uu sheegay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatada lagu haayo Gaadiidka .
Maalmihii la soo dhaafay degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose waxaa ku xayirnaa Gaadiid kuwa Xamuul ka oo lacago xaddhaaf ah looga qaado Wadada u dhexeya degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose & degmada Buurhakana ee gobolka Baay.
COMMENTS