Lamaaha Amniga Puntland oo soo qabtay nin ku Eedeysan dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

Lamaaha Amniga Puntland oo soo qabtay nin ku Eedeysan dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

Hay’adaha Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha dhaqameedyo ayaa saaka gacanta ku dhigay Maxamed Abshir Muuse (Bootaan) oo ku eedaysan dilkii marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay saaka 6:00am subaxnimo gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Abshir Muuse islamarkaana lagu qabtay Degaanka Durduri ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

“ Eedaysane Maxamed Abshir Muuse ayaa Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse”.

Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com