Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Hawlgal ka dhacay gobolka Galgaduud

Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Hawlgal ka dhacay gobolka Galgaduud

Ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA , ayaa lagu wareejiyay sarkaal katirsanaa Al Shabaab oo dhawaan ciidanka booliiska Galmudug ka qabteen deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud.

Sarkaalkan lagu wareejiyay ciidanka NISA oo lagu magacaabo Idiris Maxamed Sh. Maxamed Nuur, ayaa in muddo ah katirsanaa Al Shabaab, waxa uuna kasoo howlgalay deegaannada Galmudug iyo deegaano kale oo katirsan gobolada dalka.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saraalkan in muddo ah ku raadjoogeen , waxa ayna soo qabashadiisa saameeyn ay ku yeelaneysa Al Shabaab uu sannado badan katirsanaa una hayay ninkan shaqooyin badan.

Xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa gacanta u galay ciidanka dowladda Soomaaliya, halka qaar kalana ay kasoo baxsadeen Al Shabaab iskuna soo dhiibeen ciidanka dowladda, kuwaa oo la geeyay xarumo lagu dhaqanceliyo Shabaabka soo goosta ee Dawlada ay maamusho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com