Niqaabka ay xirtaan Haweenka oo laga Maamnuucay Kismaayo & Saameeyn ka dhalatay

Niqaabka ay xirtaan Haweenka oo laga Maamnuucay Kismaayo & Saameeyn ka dhalatay

Taliska Booliska magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay xabsiga dhigi doonaan ayna ganaaxi doonaan haweenayda lagu qabto iyada oo xiran indhashareer, sababo la xiriira cabsi laga qabo in Al Shabaab ay ku dhex dhuuntaan oo ay weeraro geystaan.

Ciidamada Booliska degmada Kismaayo ayaa xaafadaha magaaladaas ka sameeyay howlgal lagu Mamnuucayo xirashada indha shareerka, iyadoo horay looga soo saaray awaamiir lagu joojinayo xerashada Niqaabka haweenka.

Taliyaha Saldhiga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in markii ay taariikhdu aheyd 31, July, 2024 la joojiyay xirashada Indha shareerka, si loo adkeeyo amniga Magaalada Kismaayo .

Ciidamada Booliska Kismaayo ayaa sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamadu uruuriyeen dhowr boqol oo niqaab oo ah oo suuqyada lagu iibiniyay kuwaas oo meel fagaare ah lagu gubay .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com