Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Beledweyne oo la dilay

Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Beledweyne oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa Alle u naxariistee ku dilay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Guddoomiye ku Xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Beledweyne ee Maamulka Hirshabeelle Cabdi Sahal Shuuriye Xuseen.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Xaawa taako ee Magaalada Beledweyne, iyada oo Kooxo dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, sida ay Risaala u sheegeen dad Goobjoogayaal ahaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sababaha loo dilay ay tahay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Magaalada Beledweyne in Mobile lagu dhaco, isaga iyo Wiil uu Abti u yahay oo la socday.

Ciidamo katirsan kuwa Laamaha Amniga degmada Beledweyne ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com