Madaxweyne hore Farmaajo oo War ka soo saaray Dhibaatada Wadayaasha Mooto Bajaajta

Madaxweyne hore Farmaajo oo War ka soo saaray Dhibaatada Wadayaasha Mooto Bajaajta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ka hadlay dhibaatada heysata dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.

Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda.

Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah.

“Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com