Wadahadalka xabbad joojin laga gaaro Qasa oo maanta Dooxa ka furmaya

Wadahadalka xabbad joojin laga gaaro Qasa oo maanta Dooxa ka furmaya

Wadahadallo xaldoon ah oo lagu rabo in xabad joojin rasmi ah laga hirgeliyo Qasa ayaa maanta ka furmi doona caasimadda wadanka Qatar ee Dooxa, waxaana wadahadalladan hoggaaminaya Dowladda Maraykanka, Masar iyo Qatar.

Hoggaankii ururka Xamaas ee dhanka siyaasadda oo kaalin mugleh ka qaadanaayay wadahallada ayaa hore lagu dilay caasimadda Tehran isaga oo ku sugan.

Sarkaal ka tirsan Xamaasna ayaa sheegay in aanay ka qayb noqon doonin wadahadalo dadban.

Maraykanka ayaa rejanaysa in dhamaystirka heshiiskan u sahli karo suuragalnimo ay Iran kaujoojin karto in ay kaga aargoosato dilkii Hanniyah Israa’iil, taas oo Iran aanay xaqiijin in weli in ay aargoosi rabto iyo in kale.

In ka badan 39,960 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii dagaalkaasi bilawday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com