Afhayeenka Booliska oo Raali gelin ka bixiyay gef uu kula kacay Wariyayaasha

Afhayeenka Booliska oo Raali gelin ka bixiyay gef uu kula kacay Wariyayaasha

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa War qoraal ah oo uu sooray raalligelin ka bixiyay Xad gudub uu dhawaan u gaystay Wariyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo sababay in warbaahinta joojiso wada shaqeyntii Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraalkiisa ku raalli-geliyay Wariyayaasha Muqdisho, tabasho ka keenay, una gudbiyay taliska Booliska.

qoraalka oo Afhayeenka Booliska ayaa u qornaa sidaan :

Waxaan raalli galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed.

Warbaahintu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dalka jiheeya waxayna door muuqda ka qaadtaan nabadda iyo baraarujinta bulshada,Sidaas awgeed waxaa bogaadinayaa doorkoodaas islamarkaana ugu baaqay inay sii laba jibaaraan howsha baaxadda leh ee dadka iyo dalka u hayaan.

Kulama noo Socdey Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaan ku lafa gurney wixii Qaladaad ah ee jirey waxaana ugu mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen inay Lashaqeeyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed .tabashadoodina wax laga qabtey intii karaankeena aheyd ,

Guddiga Wariyayaasha matalaayey ayaa dhankooda aqbalay raalli-galinta waxayna ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta

Wada Shaqeyn wacan ayaa Afhayeenka Booliska uu qoraalkoosa ku soo gabagabeeyay .

Arrintan ayaa imaaneysa kadib kulamo dhex-maray Wariyaasha iyo Booliska oo laysla gartay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii warbaahinta iyo booliska.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com