AFKAARTA SHACABKA: Madaxweyne Deni oo ay doorteen kuwii uu soo xushay inta uusan cid kale dhaleecayn waa in uu la yimaado dhaqan la fahmi karo

AFKAARTA SHACABKA: Madaxweyne Deni oo ay doorteen kuwii uu soo xushay inta uusan cid kale dhaleecayn waa in uu la yimaado dhaqan la fahmi karo

Dhibaatada ugu weyn ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in qaar kamid ah aysan isqiimeynin ficiladooda ama aysan ka fiirsan go’aannadooda si ay u hubiyaan inay sameynayaan waxa saxda ah kahor inta aysan ku eedeyn kuwa kale oo samaynaya inta ay sameeyeen in ay khalad samaynayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Juxa, ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha dastuurka iyo federaalka. Juxa wuxuu ka mid ahaa dadka lagu martiqaaday inay hadlaan. Wuxuu ka hadlay taariikhda Soomaaliya, isagoo xusay in dalka dhibaatooyin soo waajahday tan iyo markii la aasaasay 1960-kii, ayna sii xumaadeen dhibaatooyinkii markii uu burburay dowladdii dhexe 1991-dii. Juxa wuxuu dhaliilay madaxweynaha hadda jirta, Xasan Sheekh, isagoo sheegay inuu ka leexday talo wadaagga iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo saldhig u ahaa dhismaha dowlad u adeegta shacabka. Xaqiiqdii, wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu bedelayo Dastuurka si uu xukunka ugu sii joogo, isaga oo iska indho tiraya heshiisyadii ku saabsanaa federaalka oo dhan.

Dad badan oo dhegeystay khudbadda Juxa laakiin aan aqoon u lahayn siyaasadda gudaha ee Puntland waxay u malayn lahaayeen in Juxa uu cuskanayo qodobo sax ah. Maxaa yeelay, doodda Juxa hadda wado waa isla mowqifka ay dawladdu Puntland waligeed ka istaagi jirtey marka ay isqabtaan dowlada dhexe, iyadoo kula xisaabtamaysa dawladda federaalka in ay raacdo dastuurka. Doodaas marmar badan way guulaysatay sababtoo ah Puntland lafteedu waxay u dhaqmi jirtey sidii xubin kamid ah nidaamka federaalka oo dastuurka ka sarreeyay wax kasta.

Dhammaan madaxweynayaashii ka horreeyay Saciid Deni waxaa lagu doortay iyada oo la raacayo  dastuurka Puntland. Waxaa xitaa jiray mar uu madaxweynihii Puntland Cabdiraxman Faroole doorashada ku waayay hal cod, waxaana si muran la’aan ah xukunkii uu u wareejiyey. Puntland sidoo kale waxay ilaalin jirtey in aan la bedeli karin dastuurkeeda iyada oo aan la raacin habraaca ku qeexan dastuurka. Sababtaas awgeed, dawlad gobaleedyada kale iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan waxay aaminsanaayeen in Puntland ay cabasho sharci ah qabto, iyadana ay dastuurkeed ku dhaqmayso, kan dowladda dhexena ilaalinayso taasoo keentay in dawladda Puntland marar badan heshay taageero ka timaada hal ama laba ama xitaa afar dawlad gobaleedyo iyo dhammaan dadweyne badan oo Soomaaliyeed.

Hadda, si kastaba ha ahaatee, xaaladda Puntland aad bay uga duwantahay sidii Puntland lagu yaqiinay. Waxay maraysaa heer uu Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Juxa wax walba beddeleen si ay xukunka ugu sii joogaan.

Juxa iyo Deni waxay bilaabeen inay beddelaan dastuurka Puntland iyada oo aan la raacin habraacyadii saxda ahaa ama la tashanin cidna. Taas awgeed waxay keentay, in ka badan 33 qof ayaa hal maalin gudaheed ku dhimatay, ilaa maantana dowlada Puntland arrintaas kama hadlin. Qofna ma sheegi karo xilligan dastuurka Puntland ee Saciid Cabdullahi Deni dib loogu soo doortay. Ma ahayn doorashada been abuurka ahayd ee hal-qof, hal-cod loo ku yeeray ee uu doonayay in Madaxweyne Deni in dib loogu soo doorto. Sidoo kale ma ahayn habka doorashada dhaqameed ee odayaasha dhaqanka ay xildhibaanada uga soo xulan jireen deegaanadooda, kadibna xildhibaanadani dooran jireen madaxweynaha.

Doorashadii hadda dhactay ma aysan u dhicin labadaa qaab midna, sababtoo ah si weyn ayaa loo wada ogyahay in madaxweynuhu uu soo xushay 17 xildhibaan oo ka soo jeeda SSC-Khatuma iyo 6 xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Mudug isaga oo aan la tashanin hal oday dhaqameed ah. Xildhibaanadaa dhammaantoodna waxay u codeeyeen Deni. Waxa la oran karaa waxaa lagu doortey Saciid Cabdullaahi Deni qaab cusub, oo taariikhta Puntland ku cusub, oo u oggalaanayo in madaxweynaha markaa jira soo xusho cidda dooran lahayd.

Waxaa la yaab leh marka in Wasiir Juxa, oo og in wixii uu isaga iyo Deni sameeyeen ay la midyihiin ama ka sii xunyahiin waxa Xasan Sheekh uu hadda sameynayo, haddana ku eedeeyo Xasan isla ficiladaas. Juxa iyo Deni waa inay marka hore iyaga is toosiyaan kahor inta aysan cid kale eedeyn oo ay muraayada isku fiiriyaan.

Juxa waxaa laga soo wariyey inuu sheegay in ay qasab tahay in ay beddelaan dastuurka si ay uga faa’iideystaan mucaaradka ama aan loo baahnayn in dastuurka badelidiisa cid kale lagala tashto. Madaxweyne Deni oo isna sheegta inuu demoqaraadiyad Puntland u horseeday wuxuu isna dhiirrigeliyay xubin ka tirsan Xisbigiisa Kaah, Cabdulqani Dhashane, inuu la wareego Xisbiga Shaqaalaha si uu u sharciyeeyo xubinta PEC ee  Xisbiga Shaqaalaha oo uu magacaabay ku-xigeenkii Xisbiga Shaqaalaha oo u dhaqmay hab-dhaqan afgembi ah. Waa in ay marka hore ku dhaqmaan Madaxweyne Deni iyo Wasiir Juxa waxa ka duwan waxa ay Madaxweyne Xasan Sheek ku eedeynayaan haddii ay rabaan in ay dadka Soomaaliyeed soo dhaweeyaan tabashadooda. Haddii kale waxa ay u muuqanayaan labo wajiilayaal.

Dhammaad

Xusuusin: Hadda Madaxweyne Deni iyo Juxa waxay aqoonsan yihiin xubin ka tirsan Xisbiga Kaah, Abdiqani Dhashane, inuu yahay guddoomiyaha Xisbiga Shaqalaha


WQ: Cabdirashid Sheekh Maxamuud | Aasaasaha Xisbiga Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha saxda ah | Email: [email protected]


 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com