Daljir oo kaashanaysa Sanduuqa Dimuqraadiyada Qaramada Midoobey oo shir Muhiim ah ku qabatay Garoowe (Sawirro)

Daljir oo kaashanaysa Sanduuqa Dimuqraadiyada Qaramada Midoobey oo shir Muhiim ah ku qabatay Garoowe (Sawirro)

Warbaahinta Daljir oo kaashanaysa Sanduuqa Dimuqraadiyada Qaramada Midoobey ee magaciisa loo soo gaabiyo UNDEF, ayaa maanta Garoowe kuqabtay shirka abaabulka daneeyayaasha maxaliga ah ee ilaalinta badqabka haweenka iyo gabadhaha iyo ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah iyo sidii haweenka codkooda u heli lahaayeen .

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen 50 qof oo ka socda daneeyayaasha maxaliga ah ee Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha waxaa si rasmi ah u furtay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha qoyska ee Dawlada Puntland, Abukaate Maryan Axmed Cali oo bogaadisey Shirkan muhiimka ah iyo mowduucyada ku dhexjira oo waxka bedeli kara dhibaatooyinka bulsho ee jira.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa ka socdey ururada bulshada ee kala duwan sida Ururka Gabdhaha Qareenada ah ee Puntland, Siyaasi Saynab Ugaas Yaasiin, Siyaasi Farxiya Bilig, Dalladda PUNSAA, SWV, Ururka Warbaahinta Puntland, Suxufiyiin, Ururka Samafal ee Haweenka, Ururka SMWCDO, Ururka Somwill iyo u dhaq dhaqayaal arimaha haweenka.

Intii uu kulanku socdey waxaa goobjoog ka ahaa oo qayb ka ahaa doodaha iyo aragtiyo iswaydaarsiga Agaasimaha waaxda ka hortaga tacadiyada ee Wasaarada Haweenka Puntland Marwo Aamina Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Horumarinta haweenka iyo Xuquuql insaanka Marwo Luul Jaamac Aw-Nuur, oo si faahfaahsan uga waramay dadaaladda ay bixisay wasaarada haweenka Puntland iyo guulaha la gaaray, Agaasimayaasha waxay su’aalo uga jawabeen ka qaybagalayaasha.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com