Mareykanka oo cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Mareykanka oo cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Wargeyska Wall Street Journal, ayaa soo bandhigay warbixin uu ku sheegay Madaxweynaha Mareykanka , Joe Biden inuu isku dayay dhowaan inuu ku qanciyo Netanyahu inuu oggalaado heshiiska xabbad-joojinta Qasa, taa beddelkeeda uu u ansixin doono heshiis 20 bilyan oo dollar hub ku kacaya.

Qorshahan oo la sheegay in loo soo bandhigay Netanyahu markii uu Tel Aviv kula kulmayay toddobaadkan xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken — laakin qorshahaa ma noqon mid shaqeeya oo Netanyahu ayaa ku gacan sayray.

Biden ayaa bixinaya dadaal uu ku doonayo in xabba-joojin laga gaaro dagaalka Qasa ka hor doorashada Mareykanka ee November, taa beddelkeeda Netanyahu ayaa doonaya inuu sugo doorashada , sababtoo ah Netanyahu ayaa arkaya haddii doorashada uu ku soo baxo Trump inuu ka heli karo taageerro uu dagaalka ku sii wadi karo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com