Aabe Soomaali ah oo toogasho lagu dilay Gudaha Mareykanka

Aabe Soomaali ah oo toogasho lagu dilay Gudaha Mareykanka

Waxaa magaaladda Omaha ee gobolka Nebraska ee dalka Mareykanka toogasho lagu dilay Allaha u naxariistee Mursal Jaamac oo 64-jir ahaa, kana mid ahaa Soomaalida mudada dheer deganaa dalkaasi Mareykanka.

Mursal Jaamac oo ay qoyskiisu ku tilmaameen inuu ahaa Aabbe dhalay toban carruur ah isla markaana tiir u ahaa bulsho Soomaalida ee labadda magaalo ee Omaha iyo Sioux City, ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku dhufteen carruur iyo dhallinyaro lix qof ah oo dhac gaari u geystay Mursal Jaamac.

Booliiska magaaladda Omaha ayaa sheegay in kooxdan dhallinyaradan lix-da qof ah ay gaari ka dhaceen labo qof oo kale balse ay u suurto gali weysay in ay qaataan gaarigooda, ugu dambeyntiina ay labadda qof kala baxsadeen boorso iyo xoogaa lacag ah.

Saacado ka dib, kooxdan dhallinyarada ah ayaa Mursal Jaamac oo shaqo ka soo baxay oo fadhiyay garaashka gurigiisa ay weerareen iskuna dayeen in ay gaariga ka dhacaan, Mursal ayaa isku dayay in uu iska difaaco dhalinyarada balse caloosha ay ka toogteen iyaga oo dhowr xabadood ku dhuftay.

Booliska oo gurmad deg-deg ah ku yimid goobta toogashadu ka dhacday ayaa sheegay in ay cayrsadeen dhallinyarada dhaca iyo toogashadda geysyay, waxyar kaddibna ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro shan qof ah oo da’doodu u dhaxayso 11 iyo 17. Dhallinyaradan ayaa shil ku galay baabuurkii ay dhaceen intii ay boolisku cayrsanayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com