Guddoomiye Madaale oo booqday Saldhigii qaraxa lagu weeraray

Guddoomiye Madaale oo booqday Saldhigii qaraxa lagu weeraray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Howlgalka Amni xaqiijinta ka wada duleedka Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay ciidamada amniga sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, isagoona ballan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoysaskooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaada Gobolka Banaadir Mudane Yabooh ayaa Saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay 20-Neefoo Ari ah iyo Agab kale oo ay isticmaalaan Ciidamada, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com