Golaha Wasiirada oo meelmariyay Heshiis ay wada gareen Dawladaha Soomalaiya & Shiinaha

Golaha Wasiirada oo meelmariyay Heshiis ay wada gareen Dawladaha Soomalaiya & Shiinaha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo noqonaya Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com