Dowladda Soomaaliya oo Warqad u dirtay QM

Dowladda Soomaaliya oo Warqad u dirtay QM

Dowlada Soomaaliya oo Warqad udirtay Xoghayaha guud ee QM ayaa soo jeedisay muddo laba Sano ah oo looga guurayo Xafiiska UNSOM loona guurayo UNCT.

Mudadan waxaa sidoo kale ay dowladu qeexday howlaha Xafiiska cusub ee QM oo loogu magac daray UNATMIS waxaana howlihiisa ay ku ekaan doonan arimaha taageerada dib u dbiska Hey’adaha Dowlada, Gar gaarka bini aadanimada, Xuquuqda aadanaha iyo sareynta Sharciga.

Dowlada Soomaaliya ayaa cadeysay in arimaha Siyaasada ay yihiin howlo ay Soomaalidu leedahay.

Qorshaha waxaa la filayaa in uu bilowdo Bisha November ee Sanadkan islamarkaana uu soo gaba gaboobo 2026 waxaana xiligaasi kadib Xafiiska QM ee Soomaaliya ee hada jira uu noqonayaa mid xirma howlaha harayna ay la wareegi doonaan Kooxda UNCT, waxaana mudada labada sano ah la yareyn doonaa Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Qarashka ku baxaba iyadoo shaqooyinka ay qabtaana ay ku wareejin doonaan Soomaalida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com