Galmudug oo Baaq ka soo saartay Xiisad ka taagan Galbeedka gobolka Mudug

Galmudug oo Baaq ka soo saartay Xiisad ka taagan Galbeedka gobolka Mudug

Mas’uuliyiinta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa Baaq nabadeed ka soo saaray shaqaaqo ka dhacday Miyiga Galbeedka Gobalka mudug , halkaas oo lagu dilay nin dhalin yaro ah oo xoolo-dhaqato ahaa.

Degaanada Galbeedka Gobolka Mudug ayaa waxaa ka taagan Xiisad I dhexeysa Dad Xoolo dhaqato ah ee ka soo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland .

Gudoomiya degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan ayaa ka hadlay Xiisada la taagan Galbeedka Gobolka Mudug usaga ugu baaqay Dadka Reer miyiga ah ee xiisada ay u dhexeyso in ay joojiyaan colaada .

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Galkacyo ee Galmudug mudane c/raxmaan sheekh Xasan ayaa ka ayaa Baaq nabaded udiray waxgaradka odayashay iyo maamumulada puntland iyo Galmudug in ay kaalin ka qaataan daminta Xiisada u dhexeysa dadka Wada dega Galbeedka gobolka Mudug

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com